Xeerarka ku saabsan telefoon ku iibinta
Regler för telefonförsäljning - Somaliska
Waxa jira xeerar dhowra oo ku ilaalinaya adiga tahayna in shirkaddu raacdo. Si heshiis lagu galay telefoon uu ansax u noqdaahi shirkaddu waxa ay u baahan tahay In ay hesho qoraal kaa yimid adigaa oo ogolaanshiyahaada ah. Adigu waxaad haysataa 14 maalmood oo xaq ka noqoshada.
Qoraalkaan waxaa laga soo turjumay luqadda a-iswiidhishka. Qoraalka iyo muuqaalka bogga wey ka duwanaan karaa kan bogga orijinaalka ah.
Ma jiro heshiis ansaxaya qoraal ogolaansho adiga kaa yimid la’aantiis
Shirkaad ku iibinaysa alaab ama adeegyo dhanka telefoonka waa qasab sida sharciga qabo in ay haysato qoraal ogolaanshiyo adiga kaa yimid si heshiisku u noqdo mid ansaxa.shirkaddu waa in ay soo dirtaa xaqiijin qoraaleed ah soo bandhigideeda, iyo in soo bandhiguddu u baahan tahay qoraal ogolaanshiyo adiga ah.
Shuruuda qoraal ahaaneed wuxuu ansax yahay hadii shirkadda kusoo wacday adiga, ama shirkaddu kugu dhiiri gelisay in in aad soo wacdo iyaga. Hadii aadan adigu si qoraal ah u ogolaanin heshiisku waa mid aan ansax ahayn., mana ku saarna waajib lacag bixineed oo dhanka shirkadda ah.
Sidee qoraal ogolaansho ah u dhacayaa?
Qoraal ogolaanshiyo ah waxa loo bixin karaa dhowr siyaabood oo kala duwan. Waxaad karikaraysaa tusaale ahaan:
Saxiix warqad aad heshay oo xaafadda laguugu soo diray
Ogolaaw elektroonig ahaa dhanka maylka ama sms
Ogolaaw dhanka aqooniga-bangiga
Ogolaanshiyuhu waa inuu qabsoomaa wadahadalka kadib, si aad u hesho waqti aad uga fikirto soo bandhigidda. Waa iska caadi xitaa in shirkaddu kugu dhiiri geliso in aad ogolaato wadahadalka inta lagu guda jiro. Shirkaddu waa in ay cadayn kartaa in aad ogolaatay si qoraal ahaan iyo inuu qabsoomay wadahadalka kadib.
Miyay kusoo gaartay shuruud lacag bixineed adigoo weliba aan siinin ogolaanshiyahaada oo qoraala?
Boggena diidmada qaansheegato qaladda waxaaad ka helaysaa warbixino ku saabsan waxa aad samayn karaysid hadii tusaale ahaan aad hesho qaansheegato ka timid shirkad kol hore telefoonka kugula soo xariirtay. Halkaas waxa kaloo ku jira xitaa soo jeedin sida aad isu qaabayn kartid marka aad lasoo xariiraysid shirkadda.
Ilaa bogga ku saaban diidmada qaansheegato qalada
Ka reebanaansho shuruud qoraaleed
Waxa jira ka reebanaanshiyo yar oo dhowra oo shurruda qoraaleedka ah. Cayaaraha iyo baqtiyaa nasiibka waa tusaale kuwaa oo kale ah. Hadii aad ku aqbasho haa heshiis baqti nasiib oo telefoon ah ma jirayso wax shuruuda inaad soo ogolaatid heshiiska qoraal ahaan si uu ansax u noqdaa. Marka ay quseeyso heshiis cayaar iyoi baqti nasiib ma lihid xita xaqqa ka noqoshada.
Aysan Jirin Shuruud qoraaleed marka aad adigu wacaysid shirkadda
Shuruudu waxa uu jiraa keliya wadahadalka ku qabsooma shirkadda bilaawgeeda. Waana xitaa mida kala saaraysa in aad adiga ama shirkaddu tahay midda bilaawday wadahadalkaas cayiman. Wax macno ah ma samaynayso hadii aad adigu tahay macaamiil cusub ama mid horey u jiray. Hadii aad adigu qaaday bilaawga wadahadalka ma jirayaan shuruud qoraaleedka. Tusaale waa haadii aad adigu soo wacdo shirkad si aad uga dacwooto shay oo kadibna laguu soo bandhigay rukumasho cusub isla wadahadalkaas. Haa hadii aad ku aqbasho soo bandhigidaas ma jirayo shuruuda qoraal ahaaneed.
Hadii aad ogolaato in shirkadi kula soo xariirto ujeedooyin suuq gelineed awgeed looma arkyo wadahadalka inuu ku qabsoomay adiga biloowgaada.
Xaqqa ka noqoshada telefoon ku iibinta
Heshiisyada lagu galay dhanka telefoonka waxa aad haysataa 14 maalmood oo xaq ka noqosho sida sharciga ah. Hadii aad isticmaalaysid xaqaada ka noqosho macnaheedu waa in marnaba ka ahayn mas’uul fulinta iibka, oo aad xaqna u leedahay in dib laguugu soo celiyo lacagta aad bixisay. Taas bedelkeeda waxa aad u baahan kartaa in aad adigu nafsadaada aad qabto dib usoo dirista, iyadoo shuruuddu tahay in shirkaddu ay ku wargelisay midaas.
Markaad soo ibsato waxa bilaabanaya 14 maalmood laga xisaabinayaa maalin kadib in aad aqbashay ama soo qaadatay alaabta. Hadaad iibsato adeeg maalmaha bilaawgu la xisaabinayaa maalin kadib marka aad adigu haa ku aqbasho heshiiska.
Xaqqa ka noqoshada waa la dheerayn karaa
Sida sharciga ah shirkaddu waa waa in ay kusiisaa adiga warbixin ku saabsan xaqqa ka noqoshada si 14 maalmood, mida lagu magacaabo mudada ka noqoshada xisaabintiisu bilaabanayso:
Hadii uu jiro xaq ka noqosho
Waqti intee la ag ayaad adigu haysataa in aad kaga noqoto
Sida aad samaynayso in aad kaga noqoto adiga
In uu jiro foom caadiya oo aad adigu isticmaali kartid marka aad ka noqonaysid iyo halka aad ka helayso foomkaas
Hadii shirkaddu aysan ku siin adiga warbixinadda qodobada dhamaan waad ka noqon kartaa xitaa hadii ay soo dhaaftay in ka badan 14 maalmood. Mudadaada kaa noqoshada, waaxa la dhihi karaa waqtiga aad adigu haysato si aad uga noqoto iibka, waa la dheerayn karaa. Ugu dheeraad waxa mudada ka noqoshada la dheerayn karaa haal sano. Waa shirkadda midda cadaynaysa in aad adigu heshay warbixinta ku aadan xaqqa ka noqoshaada.
Sidaan ayaad uga noqonaysaa
Aad bogga xaqa ka noqoshada si aad u hubiso in aad leedahay xaq ka noqosho, heshid warbixin ku aadan sida aad uga noqonaysid adigu iyo waxa ansaxa ah hadii adiga iyo shirkadda isku raaci waydaan.
Warbixin ku saabsan xaq ka noqosho iyo sida aad u isticmaalaysid
Xeerar qaasa oo kusaabsan adeegyada maalgelineed
Waxa jira xeerar qaasa oo kusaabsan telefoon ku iibinta adeegyada maaalgelineed. Adeegyo maalgelineed macnaheeda waa tusaale ahaan heshiis amaah, caymisyada iyo lacag bixinadda.
Xaq ka noqosho
Markaad iibsanayso adeeg maaliyeed waxay bilaabanaysa 14 maalmood ee aad adigu haysato inaad uga noqoto iibka la xisaabinayaa laga bilaabo maalin kadib markaad gashay heshiiska, laakiin ugu dhaqsi badnaan maalinka aad heshay warbixinta iyo shuruudaha heshiiska oo qaab qoraal ah. Hadii heshiisku quseeeyo caymis nololeed ama kaydka howlgabnimo ee shaqsiyadaa goonida ah xaqqa ka noqoshadu waa 30 maalmood.
Sidaa ayaad uga noqonaysaa
Wargeli shirkadda in aad adigu rabtid in aad isticmaasho xaqa ka noqoshada. Qaabkii aad doonto ayaad usoo wargelin kartaa adigu shirkadda laakiin sida ugu hubantisan waa in la sameeyo qoraal oo la kaydiyo nuqul si cadayn ahaana. Waxaad tusaale ahaan diri kartaa mayl.
Markaad ka noqoto waxa aad u baahan tahay in aad dib u bixiso 30 maalmood gudaheeda lacagaha jira ee aad ka heshay shirkadda. Hadii aad siisay lacag shirkadda waa in lacagtaadi dib loogu soo bixyaa 30 maalmood gudaheed.
Mamnuuc iibka alaab la xariirta khidmo howlgab oo telefoonka
Waa mamnuuc iibka ama suuqgaynta alaabo ama adeegyo la xariira khidmo howlgab oo dhanka telefoonka ah. Heshiis ku sabsan alaab khidmo howlgab oo lagu galo telefoon ahaan waa mid aan aansax ahayn, adigana kuma saarna mas’uuliyaadda in aad lacag siiso shirkadda.
Ka reebanaansho xaqqa ka noqosho
Waxa jira adeegyo dhaqaale oo uusan ansax ahayn xaqaa ka noqosho. Ma quseeyo tusaale ahaan kuwa soo socda:
Hadii qiimaha adeega maalgelineed uu kordhayo ama hoos u dhacayo sababta oo ah hoos udhac aama koror suuqa ah, taas oo sababaysa in qiimuhu isbedelo inta lagu guda jiro mudada ka noqoshada oo uu caadi ahaan jirayay, iyo iibiyuhu uusan saamayn karin farqiga qiimaha saamigu waa tusaale noocaas ah.
Amaah ku xiraan rahan alaab a guurto ah, dhul ama guri deegaan.
Caymisyada ay mudadad ansixidoodu tahay bil iyo wixii ka yar
Waargelin dhibaatooyin telefoon ku iibin
Hadii aad rabto in aad ka foojignaato dhib telefoon ku iibin ah waxa aad samayn karaysaa in aad samaysid wargelin ku socota hay’adda macaamiisha. Waxa aad tusaale ahaan wargelin kartaa hadii shirkadi aysan xushmayneynin shuruuddaa qoraal ahaaneed. Waxa kale oo aad wargelin kartaa shirkad isticmalaysa habab iib oo aan haboonayn. Dhowr tusaalood waxa ay noqon karaan shirkad:
Si ogool ah u bixinaya warbixin qaldan ama maran habaabin ah marka iibku dhacayo.
Leedahay iibiye xanaaqaya ama dagaalamaya.
Diraysa alaab adiga oo aanan dalban.
Diraysa qaansheegato adiga oo aanan dalban.
Si ogaal u qayaamaya una abaaraya koox dhibane ah, tusaale bukaanka iyo waayeelka.
Hay’adda macaamiisha ayaa baaraysa ama go’aaminaysa dhacdadaada goonida kuu ah, laakiin wargelinadu waa u muhiim hay’addaha howshooda ilaalineed. Hay’adda macaamiisha ayaa hubinaysa in shirkaddu raacayso xeerarka oo u leh fursad in ay wax ka qabato kuwa aan sidaa samayneynin.
Samee wargelin ah dhanka bogga internetka ee hay’adda macaamiisha
Ma doonaysaa in aad hesho wado ku hagid arintaada shaqsiga ah?
Hadii aad u baahan tahay wado ku hagid waxaad la xariiri kartaa Macaamiil Hallå. Waxaynu nahay adeeg itiinineed oo wadanka oo dhan ah oo kusiin karaysa warbixi ku saabsan xaquuqahaada iyo doorashada nooca aad leedahay si aad horay ugu sii socoto.
Xigasho: Konsumentverket