Xaqqa celinta
Ångrar köpet - Somaliska
Lahaanshaha xaqqa celinta sida sharciga ah macnaheedu waa in aad haysato 14 maalmood oo in aad kaga noqoto iib aad ka samaysay internetka, telefoonka ama meel ka baxsan dukaamada shirkadda, tusaale ahaanku ku iibinta guryaha.
Qoraalkaan waxaa laga soo turjumay luqadda a-iswiidhishka. Qoraalka iyo muuqaalka bogga wey ka duwanaan karaa kan bogga orijinaalka ah.
Maxaa loola jeedaa xaqqa celin?
Markaad isticmaalaysid xaqqaada celinta sida sharciga ah ma lihid wax mas’uuliyad ah in aad bixiso lacagta alaabta ama adeega. Hadii aad horaya u bixisaynamabda’a aasaasiga ahi waa in aad dib u hesho cadadka aad bixisay siday u dhameed. Mudada icelinta, waxa la dhihi karaa waqtiga aad u haysato in aad ka noqoto iibka, waa 14 maalmood. Haduu aad iibsato alaab waqtiga ka noqoshada waxa uu bilaabanayaa maalin kadib marka aad soo qaadato alaabta. Hadii aad iibsatay adeeg waqtiga celintu waxa laga xisaabinayaa maalin kadib maalinka aad gashay heshiiska – tusaale maka aad haa uga aqbasha soo bandhigidda shirkadda, samaysaay dalab ama saxiixday heshiis.
Goormee ayaad leedahay xaqqa ka noqoshada?
Xaqaada ka noqoshada sida sharciga ah wuxuu ansaxayaa marka aad adigu ku iibsato shay adigoon goobta ku sugnayn, waxa la dhihi karaain aadan la kulmin sshirkadda. Waxa ansaxa tusaale ahaanku iibin telefoon iyo iib internet. Waxa aad leedahay xitaa xaqqa ka noqoshada marka aad wax ka iibsato meel ka baxsan dukaamada shirkadda, tusaale ahaan gedis xaafadeed. Hadii shirkaddu iibinayso allab meel suuq ah waxa loo tirin karaa iibin meel dibadda ka ah dukaamadooda laakiin maha mar walba
Ma jiraan wax xaqq kanoqosho ah dukaanka gudahiisa
Sida sharciga ah ma lihid wax xaq ka noqosho ah marka aad ka iibsato shay dukaan dhexdiisa ama goob ka mid ah qolalka shirkadda. Ttas bedelkeed waxa ay soo bandhigayaan shirkadaha qaar iib furan ama xaqqa iska bedelidda. Iib furan iyo xaqqa iska bedelidda waa soo bandhigid isxilqaamid ah taas macnaheedu yahay shirkadu iyada ayaa go’aansanaysa sharciyadeeda.
Xaquuqdaada ah in aad baarto alaabta
Hadii aad iibsato alaab waxa aad xaq u leedahay in aad baarto si lamid ah sidii aad fursad ugu haysatay in aad ku dhex samayso dukaanka. Laakiin mararka qaarshirkaddu waxay xaq u yeelan kartaa lacag u celin ku aadan in qiimaha alaabtu ay is dhintay. Waxa sida badan lagu magacaabaa dhimista qiimo is dhimidda. Dhimiis noocaas ah waxay jirtaa oo keliya hadii aad baartay ama isticmaashay alaabta wax ka badan wixii daruuri ahaa.
Hadii aad iibsanayso joog kaba ah waxa aad xaq u leedahay in aad tijaabiso kabaha si aad u aragto in ay kula eg yihiin. Laakiin hadii tusaale ahan aad adigu dibada kula soo isticmaashay kabaha waxa ay shirkaddu xaq u yeelan kartaa in ay samayso ka jarid si ay kabaha u soo nadiifiso.
Wargeli shirkadda in aad adigu ka noqonaysid
Si aad adigu u cadayn karaysid in aad ka noqotay tan ugu wanaagsani waa in aad shirkadda ku wargelisid si qoraal ah, tusaale ahaanmayl. Ma jiraan shurrdo gooni ah sida aad isu qaabanayso, marka laga reebo in ay ahaato mid cad in aad rabto in aad isticmaasho xaqqaada ka noqoshada.
Hadii aad ka heshay warqad codsi ka noqosho shirkadda waad isticmaali kartaa midaas hadii aad rabto. Hadii aad ku dirto shirkadda codsiga waraaq ahaan way fiican tahay in aad sawirto codsiga ama aad ka qaado nuqul si aad uu kuugu haro gundhig ah in aad ka noqotay adigu.
Shirkaddu uma baahna in ay soo xaqiijiso fariintaada ku saabsan xaqa ka noqoshada si uu taasi ansax u noqdo. Ma luminaysid xaqaada ka nqoosho hadii aysan shirkaddu kuu soo jawaabin adiga. Muhiimadu waa in aad cadayn karaysid in aad ka noqotay iyo in aad ka noqotay 14 maalmood gudahoodi.
Dib ugu dir alaabta shirkadda
Markaad ka noqonaysid waxa aad u baahan tahay in aad ugu dirtid alaabta shirkadda cinwaankeeda kusoo celinta ah. Adiga ayaa iska bixinaya kharashka soo celinta, iyadoo laga duulayo in shirkaddu ay kugu wargelisay adiga midaas la xariirta iibka. Waxay ku taalaa sharuudaha ku saabsan kharashka soo celinta iyo sida aads samaynaysid marka aad soo diraysid alaabta.
Waqtiga ka noqoshada iibka waa la dheerayn karaa
Caadiyan waxa aad haysataa 14 maalmood in aad kaga noqoto iib, lakiin iyadoo ku xiran tahay waxrbixinta aad heshay xiligii iibka waqtiga xaqqa ka noqoshada waa la dheerayn karaa. Sida sharciga ah waa in shirkaddu ku siisaa waarbixinadda soo socda ee ku saabsan xaqqa ka noqoshada si 14 maalmood loo bilaabo in la xisaabiyo:
Hadii uu jiro xaqq ka noqosho
Muddo intee la eg ayaad haysaa in aaad kaga noqoto
Sidee samaynaysaa si aad uga noqoto.
Ku siiyaan habraac caadiya aad isticmaali kartid marka aad ka noqonayso, ama ku wargeliyaan halka aaad ka heli karto habraacaas oo kale.
Hadii aysan shirkaddu kusiinin warbixinadda dhamaan qodobada waad ka nqoqon kartaa xitaa hadii ay dhaaftay in ka badan 14 maalmood.mudada uu jirayo ka noqoshadaada waa la dheerayn karayaa. Ugu dheeraad waxa mudada ka noqoshada la dherayn karaa hal sano.
Shirkadda ayay tahay in ay cadayso in aad heshay warbixinadda ku saabsan xaqqa ka noqoshada hadii aad ka iibsato internetka waa iska cadi in warbixinta ku jirto shuruudaha bogga shirkadda ku yaal.
Ogolaanshaada oo qoraal u baahanaysaa ku iibinta telefoon
Telefoon ku iibintu waxa ay u baahan tahay sida sharcigu yahay shirkaddu waa in ay kaa heshaa ogolaanshahaaada oo qoraal ah si heshiisku u noqdo mid jira. Waxay qusaysaa hadii shirkaddu kusoo wacday adiga, ama hadii adiga lagugu dhiiri geliyay in aad soo wacdo shirkadda. Hadii aadan ansixin heshiiska si qoraal ah waa mid aan ansax ahayn, kumana saarna aadiga wax masuuliyad lacag bixineed ah oo dhanka shirkadda ah. Hadii aad adigu si iskaa ah aad wacdo shirkadd si aad u iibsato shay ma jirto wax shuruud qoraaleed ah
Sidee buu u dhacayaa ogolaansho qoraal ah?
Ogolaansho qoraal ahi siyaabo kala duwan ayay u ekaan kartaa waxaad tusaale ahaan:
Saxiixi kartaa warqad xaafada laguugu soo diray
Si elektorooniga aah ugu ogolaatid sms ama mayl
Ku ogolaatid dhanka aqoonsiga Bangiga
Ogolaanshuhu waaa in uu dhacaa wada hadalka kadib, si aad u hesho waqti aad uga fikirto soo bandhigidda. Ma aha mid u wanaagsan shirkadda in ay kugu dhiiri geliso in aad ogolaato wada haadalka inta lagu guda jiro.
Diidid hadii aadan qoraal ahaan ogolaan
Hadii shirkaddu kaa dalbanayso lacag bixin adiga inkasta oo aadan ogolaanin qoraal ahaan soo bandhigidda, waad ka doodi kartaa oo aad u sheegi kartaa in uuan jjirin wax heshiis ah.
Ka reebid xaqqa ka noqoshada
Waxaa jira alaab iyo adeegyo yar oo ka reeban xaqqa ka noqoshada. Qaar ka mid ah kuwaas waa:
Nooc kasta oo safaro ah, tusaale, diyaarad- tareen iyo safaro busus ah
Hoteel degidda iyo kiraysashada deegaan
Alaab si khaas ah loo sameeyey oo loo soo saaray sida aad u sharaxday
Alaab si dhaqsiya ah u xumaanaysa ama u duqoobeysa, tusaale noocyada qaar ee cuntada
Alaab laga furay xirnaanshihi lama soo celi karo sabab ah sabab caafimaad ama nadaafad, tusaale dharka hoosta laga xirto
Adeeg dhacaya maalin cayiman ama mudo cayiman dhexdooda, sida tusaale ahaan kiraysi gaari,adeegid/cunto bixin, xaflad dhaqameed ama shay kale oo howl wwaqtiyada firaaqada ah
Samaynta dhismo ama dhismayaal kale oo ku yaal dhul ama biyo, tusaale dhisidda qashin saarto
Cunto qaybin waqtiyo cayiman ah, tusaale geeynta bacaaha cuntada
Adeeg la dhamays tiray, hadii aad ku raacdo in adeega bilaabanaya la fuliyo oo aysan jrin wax xaq ka nooqsha ah marka la dhamays tiro.
Dhijitaal ku jiraan, tusaale parnaamij, app, caayaaar, ama muusiko, oo dijitaal ahaan lagu keenayo, haadii aad ku raacdo in keenistu ahaato noocaas oo aadna lahayn adigu xaqqa ka noqoshada.
Samayn degdeg ah- ama waaxa ka qabad daayactir deegaankaada ah, hdii booqashadu ku dhacayso mid aad adigu bilaawday oo samaynta iyo wax kaqabashada dayactirka la xaariiraan middaas.
Hadii adiga iyo shirkadda aydaan isku raacin
Hadii aad u baahan tahay wadohagid waxa aad la xariiri kartaa Hallå macaamiil . waxa aan nahay adeeg iftiinin ah oo wadanka oo dhan ah kuna siin kartaa warbixin ku saabsan xaquuqdaada iyo waxyaalaha aad kala dooran karto sida aad horey ugu socoto. Waxa aan ku siinaaynaa wado hagid aan meelna ku xirnayn oo midaas darteed ma qiimaynayno arinkaada kuu gaarka, xalino muran ama aan shirkadda kuula xariirno.
Warbixinada xiriir ee shirkadda Macaamiil Hallå
Hadii aad adiga iyo shirkadda aadan isku afgaranina waxa aad marar badan samayn kartaa in aad wargeliso hay’adda guud ee gudiga cabashooyinka (ARN) si dacwada muranka loo qaado. Wax kharash la’aan.
Kaa aqri sida wargelin loo sameeyo bogga ARN
Si aad ugu wargelin kartid ARN waa qasab in shirkadu tiri mayya shurrudahaada qayb ahaan ama gebi ahaanba, ama aysanba kasoo jawaabin.
Xigasho: Konsumentverket