Ku saabsan macaamiil Hallå
Om Hallå konsument - Somaliska
Macaamiil Hallå waa adeeg iftiinin oo daboolaya wadanka oo dhan oo ay isku dubariday hay’adda macaamiisha. Inagga waxa aad nala soo xariiri kartaa su’aalaha la xiriira macaamiisha oo ku saabsan iibsiga alaabo iyo adeegyo, cabashooyin iyo u dukaamaysiga qaab raagaya. Macaamiil Hallå waa xitaa wadada laga galo ECC Swedhen oo kugu saacidaysa talosiin xad dhaafyada ah.
Qoraalkaan waxaa laga soo turjumay luqadda a-iswiidhishka. Qoraalka iyo muuqaalka bogga wey ka duwanaan karaa kan bogga orijinaalka ah.
Sidan ayaad nagu soo gaari kartaa
Wada hagistu waxa ay furan tahay dhamaan maalmaha shaqada, wax kharash ahna ma aha in la inala soo xariiro. Af Swedhish iyo Af Ingiriis ayaan uga jawaabaynaa su’aalahaada. Waxaad naga heli kartaa:
Taleefan: 0771 – 525 525 (0046771 525 525 hadii aaad dibada naga soo wacaysid
Iimeel: info@hallakonsument.se
Qoraal ku sheekeysi (chatt)
Waxa aad xitaa waydiin kartaa su’aalahaada gole su’aaleedka ” su’aal iyo Jawaab”.
Waddo hagayaasha ka tirsan macaamiil Hallå waxay:
Ka jawaabi karaan su’aalo ku saabsan iibsi alaabo ama adeegyo, cabashooyin iyo sharci dejinta macaamiil
Bixinayaan waddo hagid ka hor wax iibsi iyo waxyaalaha ku hareeraysan sida aad ugu dukaamaysan kartid si bey’ad ahaan raagi karta
Horay kuugu sii saacido taalasiinta dhanka ECC ee Swedhen su’aalaha ku saabsan ama dhibaatooyinka ku xadgudubyada dukaamaysiga
Horay kuugu saacido tusaale ahan hay’adaha kale, xafiisyada macaamiisha, waddohagidda macaamiisha ee heer degmo
Waddohagayaasha ka tirsan Macaamiil Hallå ma kari karaan:
Laa xariiraan shirkadd, noqdaan wakiil ama ukala dabqadaan adiga iyo shirkadd aad heshiin wayseen
Qiimeeyaan dhacdadaada, hubiyaan dokumenti ama turjumaan heshiis
Ka saacidaan in ay ka jawaabaan warbixino iskool
Qoraan wargelin ku socota ARN ama codsi maxkamadda
ECC Swedhen – talasiin xadgudubyada iib
Hadii aad degen tahay swedhen oo shirkada dhibka kaala dhexeysana ay ka diiwaan gashan tahay wadan kale oo yurubta midoowday ah, Noorway, Island, Ingiriiska waxa aad haysataa fursad ah in si kharash la’aan ah aad hesho talasiin iyo ukala dab qaadis loo marayo ECC Swedhen. ECC Swedhen waxa ay ka tirsan tahay shabakad xafiisyada macaamiisha ku yaala EU, Noorway, Island iyo Ingiriiska. Mararka qaar waxa ay ECC Swedhen awoodaa in ay arinta la wadaagto xafiis mataan ah oo wadan kale ah si laysugu dayo in la gaaro xal.
ECC Swedhen waxa ku jira waaxda iftiiminta macaamiisha ee kamidka ah hay’adda maacaamiisha iyo shaabakadda xarunta isku xirka macaamiisha yurub European Consumer Centres Network. Howsha waxa qeexaya golaha -EU.
Wadashaqayn u dhaxaaysa hay’adaha iyo xafiisyada macaamiisha
Macaamiisha Hallå konsument waxa isku dubariday hay’adda macaamiisha, saamayna ay la leedahay hay’adaga kale iyo xafiisyada macaamiisha.
Halkan waxaad ka hekaysaa dhamaan inta kamidka ah wadashaqaynta
Howlaha danta guud
Dhamaan howlaha soo gaara macaamiil Hallå waxay noqonayaan mid guud oo uu soo saaran karo aqrisan karana qofkii codsaday. Ka fikir markaas warbixinada kuwooda aad dooranayso inaaad noo soo dirto inaga. Xasuusnoow in aan u baahan nahay xogaha xiriiradaada si aan kuugu soo jawaabno warqad ama mayl.
Qalabsaacidaad si aad inaga noola soo xariirt
Adeegga isku xirka Bildtelefoni.net suurta gelinaysaa in shaqsiyaadka isticmaala calaamadaha ku hadalka swedhishka iyo kuwa ku hadla swedhiska ay wada xiriiri karaan dhexdooda.
wadahadal u dhaxeeya maqlaha iyo tilmaan ku hadlaha, ka wac Bildtelefoni
Teletal waa adeeg telefoon oo loogu tala galay dhamaan inta uga baahan taageero inta wadahadal telefoon lagu guda jro. Turjume ayaa kula jooga wadahadalka oo ku saacidaya adiga.
Taageero telefoon ee dhankaa hadal,cod, dhibaatooyin luqadda ah, ka wac
Adeega xiriiriyaha Texttelefoni.se waxay suurta gal ka dhigaysaa aadiga qaba hoos udhaac maqalka, dhagool ah, indhoole dhagoola ah,ama ku adagtahay hadalku in aad wacdo oo weliba qabatid wadahadaliyadoo loo marayo xiriiriye wadahadal sadax geesood ah isla waqtigaasa. Adeegu waa uu u shaqaynayaa xitaa adigan isticmaalaya qoraalka dhibcaha.
wadahadalka telefoonada caadiga iyo taleefan fariimeed ka wac Texttelefoni
hadii aad u baahan tahay turjume
hadii aad u baahan tahay kaalmo turjumo waxa aad la xariiraysaa xafiis turjume, ama ka codso qof aad taqaan in uu kuu turjumo adiga. Hadii aadan haysan fursad aad kula xariirto xafiis turjume si iskaa ah waan kaa saacidi karnaa.
Luqadaha dadka tirada yar ee wadanka
Hadii aad ka tirsan tahay mid kamid ah luqadaha dadka tirada yar ee wadanka, waxa aad xaq u leedahay in aad isticmaasho luqadaada marka aad la xariiraysid hay’adaha dowliga
Waxaad warbixin dheeraada ka helaysaa ku saabsan xaquuqahaada bogga golaha luqadaha
Xigasho: Konsumentverket