Ha lagaa caawiyo badjet- iyo su’aalaha la xiriira deynta
Få hjälp med skuldrådgivning - Somaliska
Ku dhowaad 400 000 oo iswiidhish ah ayaa waxaa deyn looga leeyahay Hey’adda qaan soo dhicinta. Intaas ka sokow dad badan ayaa dhaqaalahooda la liicaya. Marka laga soo tago dhibaatada shakhsiyadeed waxey deymaha batay bulshada ugu fadhiyaan 30–50 bilyan oo karoon sanad walba. Arrinka farxadda leh ayaa ah in ey jiraan caawimaadyo la heli karo.
Qoraalkaan waxaa laga soo turjumay luqadda a-iswiidhishka. Qoraalka iyo muuqaalka bogga wey ka duwanaan karaa kan bogga orijinaalka ah.
Waxyaabahaan ayaa lagaa caawin karaa
Qofka lagu leeyhay deyn wuxuu caawimad ka helayaa taliyaha badjetka ioy deymaha ee degmada. Waxey kaa caawinayaan in aad:
Ogaatid dhaqaalahaaga isla markaana heshid talooyin ku saabsan sida aad u maareyn laheyd isla markaana ukala mudnaan siin laheyd deymaha.
Dalbato deyn ka nadiifin
Hesho talooyin kale, ka hor, inta lagu guda jiro iyo marka la dhameeyo ka nadiifinta deymaha.
La timaaddo heshiisyo madax bannaan oo aad la yeelato shirkadaha deymaha kugu leh, taasoo micnaheedu yahay in deyn laguugu leeyahay (haddii aan laguu oggoleyn ama aadan rabin deyn ka nadiifin).
La xaajood ku saabsan shuruudo fiican oo aad ka hesho kuwa deymaha kugu leh.
Lacag ma joogto in aad caawimaad hesho
Sida sharciga ah degmooyinka waxaa saaran waajib ah in ey dadka deymaha lagu leeyahay siiyaan talooyin dhaqaale. Lacag ma joogto in aad caawimaad hesho. Taliye xagga badjetka iyo deymaha ah ayaa kaa saacidaya in loo kuur galo dhaqaalahaaga isla markaana lagu siiyo caawimaad baraktikaal ah oo loogu tala galay dadka deynta lagu leeyahay. Dadka u baahan in deynta laga nadiifiyo waxaa maraka laga caawin karaa dalabka iyo tijaabinta ioy racfaan ka qaadashada go’aanka
Macluumaadka laga xiriiro xafiiska talo siinta badjetka iyo deymaha
Si aad ula xiriirto xafiiska talo siinta badjetka iyo deymaha ee maxalliga ah waa in aad la xiriirtaa degmadaada. Waxaad kale oo raaci kartaa leenka hoose si aad u hesho liiska degmooyinka oo dhan iyo macluumaadka laga xiriiri karo xafiisyadooda talo siinta badjetka iyo deymaha.
Eeg liiska xafiisyadooda talo siinta badjetka iyo deymaha ee degmo walba
Inta aad caawimaadda sugeysid
Degmooyin badna waxey leeyihiin waqti sugid ah marka aad la kulmeysid taliye xagga badjetka iyo deymaha. Inta aad ka heleyso caawimaad shakhsiyeed waxaa u baahan yahay in aad kala hormarisid qarashka iyo deymaha laguugu leeyahay haddii aadan kulligood wada dhiibi kairn. Kuwa ugu muhiimsan waa dhiibidda kirada gurigam korontada iyo ceymiska guriga. Waxaa haddii kale khatar ugu jireysaa in guriga lagaa saaro, korontada lagaa xiro ama aadan caawimaad helin haddii aad shil gashid. Waxaa kale oo muhiim ah bixinta khidmadda Hey’adda Qasnadda shqa la’aanta iyo lacagta khidmadda xanaanada carruurta.
Haddii aadan helin caawimaadda aad u baahan tahay
Haddii eysan degmadu laheyn xafiiska talo siinta badjetka iyo deymaha ama aadan helin caawimaadda aad xaqqa u leedahay waxaad dacwad u diri karaa Hey’adda kormeerka daryeelka iyo xanaaneynta (Inspektionen för vård och omsorg (IVO)). Dacwadda waxaad ku gudbin kartaa foom warqad ah ama qaab elektaroonig ah. Dacwadda waxey noqoneysaa mid caam ah marka ey soo gaarto Hey’adda kormeerka daryeelka iyo xanaaneynta.
Warbixin dheeraad ah ka akhriso bogga interketka ee Hey’adda kormeerka daryeelka iyo xanaaneynta
Xigasho: Konsumentverket