Farshaxanlaha qalad ayuu sameeyey
Hantverkaren har gjort fel - Somaliska
Marka farshaxanlaha uu sameeyo shaqo xun waxa aad leedahay xaquuqda ah in aad ka cabato, waxa la dhihi karaa in aad ka dacwooto qaladka. In badan oo adeegyadaa farshaxanada ahi waxa aad xaq u leedahay ilaa toban sano in aad kaga dacwooto qalad shaqada ah.
Qoraalkaan waxaa laga soo turjumay luqadda a-iswiidhishka. Qoraalka iyo muuqaalka bogga wey ka duwanaan karaa kan bogga orijinaalka ah.
Goormee ayuu adeegu qaldan yahay?
Adeeg waxa loo arki karaa mid qaldan hadii natiijada aysan u dhigmin wixii aad adiga iyo shirkadda aad ku heshiiseen. Waxa kale oo ay ku saabsan tahay in shaqada aan si xirfad ahaana loo fulinin, tusaale ahaan hadii shaqada loo qabtay si xun ama ay jiraan waxyaalo ka dhiman. In shaqada si xirfad ah loo fuliyaa waxa ay ka dhigan tahay in natiijada ay la mid noqoto mida laga filanayo qof xirfadle ah aqoon iyo dhabna ah. Waxa aad tusaale ahaan u qaadan karaysaa in shirkaddu raacayso nidaamyada iyo talooyinka ka dhexjiraa qaybta ay shaqadoodu tahay.
Waqti sidaa udheer ayad haysataa in aad ka dacwooto qalad
Adeegyada farshaxan waxa koobaya sharciga adeega macaamiisha. Sharcigu waxa uu leeyahay laba waqti xadidaad oo kala duwan oo ku saabsan mudo intee la eg ayaad haysataa in aad ka dacwooto qalad, waxa ayna ku xiran tahay waxa ay ku saabsan tahay nooca adeeg. Shaqooyink hantida ma guurtada ah waxa aadxaq u leedahay toban sano gudahood in aad ka dacwooto qaladka. Shaqo hanti ma guurto ah waxa ka mid ah sida:
Dib u cusboonaysiin dhismo
Rinjiyeyn
Dhul dhigid
Biyo ka bixin
Saqaf bedel
Qodidda ceel biyood
Shaqooyinka aan lagu qabanaynin dhul, dhismo ama waxyaalo kale oo ma guurto ah waxa aad haysataa sadax sano oo xaquuqda ka cabashada ah. Tusaale ahaan intooda badan adeegyada dayactirka waa sadax sano oo xaquuqda ka cabashada ah. Hadii aad ku aaminto in shirkaadi ay kuu dayac tirto bumbada kulaylka waxa ansax ah sadaxda sano oo ahmudada ka cabashada.
Dacwoo isla marka aad aragto qaladka
Waa inaad ka dacwootaa qaladka mudo suurta gal ah gudaheed laga bilaabo marka aad aragatay ama ay ahayd in aad aragto qaladka. Hadii aad soo dacwooto laba bilood gudahood waxa loo tirinayaa mar walba waqti suurta ah gudahood. Hadii aad la sugto mudo dheer dacwada waxa aad dhuminaysaa suurta galnimada in shirkaddu saxdo qaladkii.
Maxaad ka dalbi karaysaa shirkadda marka qalad dhaco?
Sharciga adeega macaamiisha ayaa xukumaya shurrdaha kuwa aad saari karaysid.
Gacanta koowaad: in shirkaddu qaladka wax ka qabato
Waxa aad marka hore ku xiri kartaa in shirkaddu saxdo qaladka si kharash la’aan ah. Waxa aad xaq u leedahay in aad hesho natiijadii aad adiga iyo shirkadda aad ku heshiiseen. In kharash la’aan la sameeyo waxa ay ka dhigan tahay in shirkaddu qabto dhamaan kharashaadka ku kacaya in qaladkii wax laga qabto- tusaale qalab, safar iyo shaqo.
Gacanta labaad: in aad adigu hesho qiimo dhimis
Qiimo dhimis waa in ay u dhigantaa qaladka, tusaale waxa uu kharshku noqonayo hadii qaladka ay shirkadd kale wax ka qaban lahayd.
Gacanta sadaxaad: in aad ka noqoto heshiiskii
Ka noqosho heshiiska ah waxa ay ka dhigan tahay in la joojiyo shaqadii, oo aysan waajib kugu ahayn in aad bixiso adeega. Shirkaduna markaasma saarna wax waajib ah in ay dhamaystirto shaqada.
bedelsiin qaladka awgii
Shirkadda ayaa qabta kharaashdka jira ama dhaqaale dhumista adiga ku helay qaladka awgiis. Tusaale waxa uu noqon karaa :
Dhumin daqli, tusaale hadii aay ahayd in aad fasax ka qaadato shaqdii si aad ula fiiriso qaladkii shirkadda si wadajir ah.
Kharash ku saabsan cadayn ka timid ninka soo kormeerayay ama qof kale oo aqoon u leh ( hadii loo baahday in la soo cadeeyo qaladkii)
Ka fikir in ay tahay kharashka dhabta ah, ma aha dhibta iyo waqtiga aad gelisay cabashada waxa aad ku dalban kartid in aad bedel ku hesho. Waxaad u baahan tahay in aad muujiso gundhiga kharashyada kuwa ku galay iyo in kharashkuna ahaado mid suurta gal ah oo si toosa ugu xiran qaladka. gundhig waxa ay tusaale ahaan noqon kartaa warqadda lacag bixinta, qaan sheegato ama cadayn.
Xaqqa celinta lacag bixin
Hadii uu adeegu yahay qalad waxa aad xaq u leedahay sida sharciga ah in aad celiso qayb ahaan ama lacag bixinta dhamaanteed badbaado ahaan. Waxa ay noqonaysaa qalab ku cadaadin ka dhan ah shirkadda adigana bed qab kuu ah.
Qaybta lacag bixinta aad celisay waa in ay u dhigantaa qaladka. Mabda’ ahaan waxay ka dhigan tahay in aad celinayso cadad wayn oo daboolaya kharashka in la keeno shirkad kale si qaladka wax looga qabto. Mararka waxa ku saacidi kartaa in aad la xariirto shirkado kale oo ku jira qaybtaas si aad u hesho xog qiimaha ah waxa ay ku kacayso in wax laga qabto kharashka.
Waa muhiim in aad shirkadda si qoraal ah aad ku wargeliso in aad celisay lacag bixintii iyo sababta. Waxa aad tusaale ahaan u diri kartaa mayl ama fariin qoraaleed sms.
Hadii farshaxanlaha sababo dhaawacyo
Sida uu qabo sharciga adeega macaamiisha waxa aad xaq u leedahay iin aad ka dalbato magdhow shirkadda hadii ay sababaan dhaawacyo la xariirta adeega la fuliyay. Waxa ay noqon kartaa hadii qalabka adeega lagu samaynayo uu dhaawaco ama shirkaddu ay dhaawacdo waxyaalo kale oo ka mid ah hantidaada, tusaale hadii shirkadda aad ku aaminta dayactirka bumbada kulaylka ay ka dhacaan qalab kadibna dhaawac soo gaaro dhulka.
Diiwaan geli qaladka
Markaad aragto khalad ama dhinnaanshiyo waa muhiim in aad diiwaan geliso waxa qaladka ah. Si ahaan waxa aad ugu baahan tahay in aad ugu cadayso waxa aad u aragto in uu yahay qalad, sida kalana diiwaan gelintu waa muhiim hadii adiga iyo shirkadda aad isku raaci waysaan qaladka.
Waxa aad qaladka u diiwaan gelin karta in aad sawir ka qaado ama filin ka duubto. Ka fikir in tayadooda looga baahan yahay inay aad u fiicnaadaan si qaladka loo arki karo. Mararka qaar waxa aad u baahan kartaa in aad dhowr sawir qaado si aad ugu muujiso qaladka qaab fiican. Waxay u baahan kaartaa sawir dhaw iyo sawir muujinaya sida qaladku yahay marka loo eego agagaarka. Haadii aysan jirin si loo diiwaan geli karo qaladka waad u sharixi kartaa shirkadda marka aad u dacwoonaysid shirkadda.
La xariir farshaxanlaha oo ka codso in qaladka wax laga qabto
Kadib marka aad aragto qalad waa muhiim in aad sida kuugu dhaqsiyaha badan ula xariirtid shirkada si aad u siiso iyaga fursad ay ku baaraan waxna uga qabtaan qaladka. Waa wax iska caadiya in shirkadu u baahato in ay soo baxdo oo aay aragto qaladka si ay go’aan uga qaadato waxa loo baahan yahay in la sameeyo. Malaha waxasuurta gal ah in aysan cadayn waxa sababay qaladka.
Adigu uma baahnid in aad ogaato waxa sababay qaladka marka aad lasoo xariiraysid shirkadda, tan muhiimka ahi waa in aad sida ugu suurta galsan dhaqsiyaha badanna aad u farfiiqdo in aad aragtay qalad. Taas bedelkeeda waxa adiga kugu waaajib noqonaysa in aad u gudo shirkaadda hadii uu baaritaanku muujiyo in qaladku uusan sababin shaqadooda.
Waa ay fiican tahay mar walba inaad haysto gundhig qoraal ah oo muujinaya in aad lasoo xariirtay shirkada si aad ugu soo dacwooto. Hadii aad u haysato fursad waa ay fiican tahay in aad usoo dirto sms ama mayl. Kadibna kusoo lifaaq waxa uu qaladku yahay, tusaale sawiro.
Hadii aadan ku raacsanayn farshaxanlaha
Hadii aad u baahan tahay wadohagid waxa aad la xariiri kartaa Hallå macaamiil . waxa aan nahay adeeg iftiinin ah oo wadanka oo dhan ah kuna siin kartaa warbixin ku saabsan xaquuqdaada iyo waxyaalaha aad kala dooran karto si aad horey ugu socoto. Waxa aan ku siinaaynaa wado hagid aan meelna ku xirnayn oo midaas darteed ma qiimaynayno arinkaada kuu gaarka, xalino muran ama aan shirkadda kuula xariirno.
Warbixinada xiriir ee shirkadda Macaamiil Hallå
Hadii aad adiga iyo shirkadda aadan isku afgaranina waxa aad marar badan samayn kartaa in aad wargeliso hay’adda guud ee gudiga cabashooyinka (ARN) si dacwada muranka loo qaado. Wax kharash la’aan.
Kaa aqri sida wargelin loo sameeyo bogga ARN
Si aad ugu wargelin kartid ARN waa qasab in shirkadu tiri mayya shurrudahaada qayb ahaan ama gebi ahaanba, ama aysanba kasoo jawaabin.
Xigasho: Konsumentverket