Duullimaad dib u dhacay
Försenat flyg - Somaliska
Hadii duullimaadkaadu dib u dhaco waxa aad xaq u leedahay bedelsiin iyo saacidaad ka timaada shirkadda duulimaadka. Boggan waxaad ka helaysaa warbixn ku saabsan bedelsiin intee la eg ayaad ka dalbi karaysaa iyo sida aad horay ugu socon karaysid haddii ey shirkaddu diiddo dalabkaada.
Qoraalkaan waxaa laga soo turjumay luqadda a-iswiidhishka. Qoraalka iyo muuqaalka bogga wey ka duwanaan karaa kan bogga orijinaalka ah.
Xisaabi waxa aad ka dalbi karaysid oo udir dalabka shirkadda duulimaadka
Iyada oo la adeegsanayo qalabka kharash la’aanta ah ee xisaabinta duulimaadka Waxaad buuxinaysaa warbxin ku saabsan safarka duulimaadka si aad u ogaato xaquuqaha aad leedahay. Xisaabiyaha duuliimaadka waxa uu kaa gudbinayaa xitaa shirkadda duulimaad ee ay khuseeyso bogeeda internetka, si aad uga diri kartid dalabkaada dhanka bogga internetka.
Xisaabiyaha Duulimaadku waxa lagu helaa Af Swedhish iyo Af Ingiriis.
Hadii aadan ka diri karaynin dalabyadaada dhanka bogga internetka ee shirkadda duulimaadka waxa aad isticmaali kartaa warqadda codsiga cabashooyinka ee EU oo ugu dir shirkadda duulimaadka dhanka maylka ama warqad ahaan.
Warqadda codsiga waxa lagu helaa Af Swedhish iyo Af Ingiriis.
Isticmaal warqadda codsiga midda Af Ingiriisiga hadii shirkadda duulimaadka aysan Swedhish ahayn ama hadii dhacdada ay ka dhacday wadan kale aan Swedhen ahayn. Kaydi hal noqol oo ah warqadda codsiga ee aad u dirtay shirkadda duulimaadka. Hadii aad rabto dalbashada bedelsiin ku saabsan kharashaadkii ku gaalay waa muhiim in aad la dirto gundhig, tusaale warqadda lacag bixinta, oo muujinaysa kharashyada ay khusayso.
Sugid jawaab ka timaada shirkadda duulimaadka
Markaad u dirtid cabashadaada shirkadda duulimaadka waxa aad u baahan tahay in aad jawaab ka sugtid shirkadda duulimaadka. Waa caadi in aay qaadato dhowr asbuuc in aad hesho jawaab, laakiin hadii aad sugto wax ka badan lix asbuuc oo aadan helin wax jawaaba arintaada horay ayaad uga sii socon kartaa.
Xeerar khaas ah oo khuseeya duulimaad la joojiyay EU gudaheeda
EU gudaheeda waxa jira xeerar qaasa oo khuseeya duulimaad, oo kusiinaya xaq saacidaad marka duulimaadku dib u dhaco ama la joojiyo.waxa kale oo aad xaq u leedahay bedelsiin qaab cadad lacag go’an oo euro ah.
Dhcadada soo socda waxa qabanaya xeerarka EU:
Markaad ka duulaysid gegi dayuuradeed oo EU gudaheeda ah.
Markaad ka duulaysid gegi dayuuradeed oo ka baxsan EU kuna socotid gegi dayuuradeed oo EU gudaaheeda ahlana socotid shirkad duyuurad oo ka diiwaanashan EU.
Xeerarkani waxa ay ansax ka yihiin xitaa Noorway, Island, iyo Iswiserlaan si la mid ah sida ay u khusayso dhamaan wadamada EU.
Haddii duullimaadkaadu uusan soo koobaynin xeearka EU uma lihid wax xaq ah bedelsiin qaab lacag go’an ah, taas bedelkeed waxa aad xaq u leedahay bedelsiin ku saabsan kharashaadka ku galay.
Xaquuqdaada ah bedelsiin dhaqaaale
Waxa jirta laba nuuc oo bedelsiin dhaqaale oo aad xaq u leedahay marka duulimaadkaada dib u dhaco. Mid waxa lagu magacaabaa u gudid midda kalana magdhow.
Magdhow
waxaad xaq u yeelan kartaa ugudid qaab cadad lacag go’an oo euro ah hadii duulimaadkaadu uu hoos imaanayo xeerarka EU. Magdhowda lacageed wuxuu dhexeeyaa 250 illaa 600 oo Euro. Maghsowda lacageed waxaa loola jeedaa in laguu bedelo waqtigii aad daahday. Si aad xaq ugu lahaato helidda lacagta magdhowda ah waa in uu dib udhaca ahaadaa saddax saac ama ka badan. Inta uu la egyahay cadadka aad xaq u leedahay waxa uu ku xiran yahay dhirirka duulimaadka:
250 euro oo ah dhamaan duulimaadyada ugu badnaan 1 500 kiilometer.
400 euro oo ah dhamaan duulimaadyadas EU gudaheeda ah kana dheer 1500 kiilometer iyo dhamaan duulimaadyada kale ee u dhaxeeyadhirirka 1500 iyo 3500 kiilometer.
600 euro oo ah dhamaan duulimaadyada kale oo ay soo koobayso xeerarka EU.
Dhirirka duulimaadka waxa loo xisaabinayaa laga bilaabo goobta bilaaawga iyo goobta dhamaadka safarkaada- mana ku xirna haddii ama halkee ku hakatay iyo halka daahistu ka dhacday.
Magdhowda waxay ahaan kala bar haddii uu duullimaadka dheeryahay
Duullimaadyada dhaadheer, oo loola jeedo duullimaadyada ka dheer 3 500 kiloomitir, waxaa dhici karta cadadka lacagta aad xaqa u leedahay kala bar laga dhigo hadba dhirirka daahitaanka inta uu la ekaado.
Magdhaw
Haddii duullimaadkaadu hoos imaanayo xeerarka EU ama haddii kalaba waxa aaad xaq u yeelan kartaa bedelsiin ku saabsan kharashaadka ku galaya duulimaadka daahay awgeed. Waxey tusaale ahaan ku saabsan tahay in aad ku qasbanaatay in aad cunto ka iibsato gegida dayuuradaha, ay ku dhaaftay hal habeen hotel ah ama aad lumisay daqli shaqo. Waa in aad cadayn kaarto kharashaadka ku galay waana in ay ku xirnaadaan dib u dhaca.kaydi ddhamaan waraaqaha lacag bixintaada cadayn ahaan.
Ma heli karaysid bedelsiin dhaqaale oo ku saabsan dhib saaykoolaji ahaan kuu soo gaaray, dhibka ku saabsan in aad u baahato sugid, dareen aadan jeclaysan ama wax u dhigma oo ay sababtu tahay duulimaadka daahay.
Xaq u lahaanshahaaga garabsiin iyo caawimaad ee aad ka heleyso shirkadda duullimaadka
Haddii uu duullimaadkaaga dib u dhaco wax ka badan laba saacadood, isla markaana uu duullimaadka hoos tago sharciyada midowga yurub EU, waa in ey shirkadda duullimaadka ku siisaa cunto iyo cabitaan lacag la’aan ah oo dhigma waqtiga sugitaanka. Shirkadda duullimaadka waa in ey xattaa kugu wargelisaa waxyaabaha aad xaqqa u leedahay.
Xaq u lahaansho dib u celin lacag marka ey daahidda ka badan taahy 5 saacadood
Haddii ey diyaaraddaada ka daahsantahay meessha ugu dambeysa ey tageyso wax ka badan 5 saacadood, waa in ey shirkadda duullimaadka ku siisaa lacagta qeybta ka midka ah tikitka ee aadan isticmaalin.
Marka lacagta laguu soo celinayo waxa waajib ku ah shirkadda duullimaadka in ay dib usoo celiso kharashka tikidka 7 maalmood gudahood. Dib usoo celinta waa in ay u dhacdaa lacag cadaan ah, qaabka kala wareejinta bangiga ee elektooniga ah, bangigiiro ama jeeg. Hadii aad ku raacdo dib usoo celintu waxa ay u dhici kartaa dalab warqad lacag bixin ama qaab kale. Marka aad aqbashid in dib laguugu soo celiyo lacagtaada kama dalban kartid shirkadda duullimaadka in ey si lacag la’aan ah kuu geeyaan halka aad u safreysay.
Dhacdooyinkaan xaq uma lihid bedelsiin dhaqaale
Shirkadda diyaaradaha ma saarna waajibka in ay bixiso bedelsiin dhaqaale qaab lacag go’an ah oo euro ah hadii dib u dhaca iyo joojinta duulimaadka sababeen xaalado ka dheeri ah kuwa caadiga ah. Kuwa kaa dheeri ah kuwa caadiga ah waxa loola jeedaa dhacdo ka baxsan awooda shirkadda duulimaadka, oo aan laga baaqsan karaynin hadii xitaa la sameeyo dhamaan wax ka qabadyadaa suurtagalka ah.
Ma jiraan xaalado cayiman oo dhowra oo mar walbaa loo arkayo kuwa aan caadi ahayn, waa in loo qiimeeyaa dhacdo walba goonideed. Laakiin waxa jira tusaale xaaladooyin oo noqon karaya kuwa ka baxsan caadiga:
Degenaansho la’aan siyaasadeed
Xiriirka hawada oo ka dhigay suurtagal la’aan in la duulo
Qatarro ammaan
Dhinaanshiyo aan lasii saadaalin oo ammaanka adiyaarada ah
Marka uu jiro shaqo joojin saamaynayahowsha ku aadan shirkadda duulimaadka.
Cilad farso oo diyaarada ah looma arko sida caadiga ahi dhacdo ka baxsan kuwa caadiga ah.
Shirkadda duulimaadka dhankeeda ayay ku xiran tahay in ay cadayso in dib u dhaca ama joojinta duulimaadkaku xirnayd xaalad ka baxsan kuwa caadiga ah. Shirkadda duulimaadka waa xitaain ay cadayso in ay sameeyeen intii karaankoodu ahaa in laga baaqsado in duulimaadku dib u dhaco ama la joojiyo.
Hadii shirkaddu tilmaanto xaalado ka baxsan kuwa caadiga/force majeure
Waxa dhacda in shirkaddu tilmaanto xaalado ka baxsan kuwa caadiga ah oo sidaa daraadeed aysan bixinayn wax bedelsiin ah. Gacanta koowaad shirkadda duulimaadka waxa ay samaynaysaa qiimayn u gooni ah oo ah waxa dhacay, oo ay go’aaminayaan in ay bixinayaan bedelsiin iyo inkale. Hadii aadan ku raacsanayn go’aanka shirkadda duulimaadka waxa jira maamulo sare oo aad horey ugu sii diri kartid arintaada ku aadan in aad hesho qiimayn dhexdhexaad ah oo kharash la’aana.
Sidan ayaad samaynaysaa si aad qiimayn ugu hesho arintaada
Maxkamadda qaadaysa arintaada waxa ay ku xiran tahay nooca bedelsiin aad daalbanayso iyo wadaankee dhibka duulimaadka uu ka dhacay. Nala soo xariir si aaynu kuugu wargelino meesha aad u tegeyso.
Xigasho: Konsumentverket