Damaanad
Garanti - Somaliska
Damaanad waxaa loolajeedaa in ay shirkadu damaanad qaadayso dhamaan alaabta ama qaar kamidha alaabta in ay shaqeydoonaan inta lagu jiro waqtiga damaanada. Laakiin xasuusnow in aad mar walba heysato ilaalinta sharciga macaamiisha. Waxaad xaq u leedahay in aad muddo seddex sano gudohood aad cabasho gudbin karto, haddii ay xitaa mudada damaanadu intaa ka gaabantahay.
Qoraalkaan waxaa laga soo turjumay luqadda a-iswiidhishka. Qoraalka iyo muuqaalka bogga wey ka duwanaan karaa kan bogga orijinaalka ah.
Waa maxay damaanad?
Damaanad waa balanqaad xaga shirkada ka socda ahna in wixii aad ka iibsatay ay shaqeyn doonaan waqti cayiman gudahood. Waa ikhtiyaari in ay shirkad bixiso damaand, waxeyna ku xirantahay goaanka shirkada sida uu nidaamka damaanadu yahay. Si aad macaamiil ahaan u isticmaali karto damaanada waxaad u baahantahay in aad cadeyso in wax ka khaldanyihiin alaabta.
Shirkada ayaa ka masuul ah in ay sameyso waxa khaldan iyada oo la raacaaya xeerarka khuseeya damaanada. Inta lagu jiro waqtiga damaanada waxa ay ka dhigantahay in dhamaan khaladaadka ku yimaada alaabta ay dabooli karto damaanada ayna yihiin khalad asal ah. In uu khaladku yahay asal waxaa loola jeedaa in uu khaladku jiray markii aad alaabta soo iibsaneysay. Khalad wuu ahaan karaa asal hadii uu xataa mar danbe lagu arko. Khaladaadka aanan ahayn asal wuxuu ahaan karaa tusaale ahaan khalad ku yimid dayacaad, si aan caadi ayah oo loo isticmaalay (khaladaadka wax ka qabashada) ama shil.
Maadaama ay shirkadu leedahay culeys cadeyn inla lagu jiro waqtiga damaanada, damaanada ayaa ku siin karta xuquuq ka fiican kuwa aad ka heysato sharciga macaamiisha.
Sidaan ayaa u isticmaaleysaa damaanadaada
Shirkada ayaa ku siineysa qoraal ahaan warbixin ku saabsan waxa ay ka kooban tahay damaanada, waxa ay dabooleyso,waxa loo baahanyahay si aad u isticmaasho damaanada iyo in xuquuqdaada sida sharciga waafaqsan aanan la saameyneynin.
Haddii ay alaab aad damaanadeeda heysato kaa jabot ama cillad kale ay jirto waxaa u jeesaneysaa shirkadi aad ka soo iibsatay alaabta. Inta lagu gudajiro waqtiga damaanada waxaad xaq u leedahay in aad ka codsato in laguu sameeyo sida aad xaq ugu leedahay marki lii fiiriyo sharciga iibsashada macaamiisha. Haddii qaladka alaabta ay dabooleyso damaanadu waa laguu sameeynaayaa adiga oo aanan kharash bixin. Xataa waxaad xaq u leedahay in aad hesho magdhaw haddii uu kharash badan kaaga baxay sababo la xariira khaladka alaabta. Tusaale ahaan wuxuu ahaan karaa kharash kaaga baxay safar aad ku aadeyso shirkada. Hadii shirkadu kaa qaadato lacag ey damaanadu dabooleyso waxaad shirkada ku dacweyn kartaa wakaalada macaamiisha.
U dacwoo wakaalada macaamiisha bogga internetka
Marki aysan damaanadu khuseynin
Si ay shirkado uga baxsato damaanada waa in la cadeeyaa in aad adigu masuul ka tahay khaladka alaabta. Tusaale ahaan waxaad masuul katahay hadii uu khaladku shil ahaan ku yimid marki aad alaabta heshay ka dib, hadii aad dayacday alaabta ama aad u isticmaashay si aanan caadi aheyn, ama aanad u xanaaneyn sidii laguu sheegay. Khaladka wuxuu ahaan karaa mid caadi ku imaada sida alaabta oo duugoowda, oo la isticmaala.
Farqiga u dhaxeeya damaanada iyo xaqa cabashada
Damaanada iyo xaqa cabashada waa laba wax oo kala duwan laakiin mararka qaar la isku khaldo. Damaanadu waa ikhtiyaari in ay shirkado bixiso laakin waxaad mar walba xaq u leedahay cabasho marki la tixraaco sharciga iibsashada macaamiisha mudo seddex sano ah. Xaqa aad leedahay in aad ka cabato alaab ciladeysan marki loo fiiriyo sharciga waa mudo seddex sano ah, haddii aad damaanad u heysato iyo haddii kalaba. Hadii aad heysato damaanad ka badan seddex sano waad dacwoon kartaa alaabta inta lagu jiro waqtiga damaanada.
Tusaale ahaan haddii aad heysato damaanad ku saabsan alaab aad heysatay mudo labo sano ah kadibna alaabtii jabtay waad ka caban kartaa alaabti ilaa sanad kale maadaama aad xaq u leedahay sharciga ah in aad ka caban karto mudo seddex sano ah laga bilaabo taariikhdi aad soo iibsatay alaabta.
Xigasho: Konsumentverket