Ku cusub Swiidhan: Ka taxadir waxaad telefoonka ku iibsaneyso

Haddii aad leedaya telefoon, waxa ku soo wici karaa shirkado rabba inay iibiyaan alaab ama adeegyo. Taas waxa loo yaqaanaa iibka telefoonka (telefonförsäljning).

Waligaa ha ogolaan dalab uu qof telefoonka wax ku iibiyaa ku siiyo ilaa adigoo si buuxda u hubba waxaad iisbaneyso mooyee.

Haddii aad ogolaato dalab uu qof telefoonka wax ku iibiyaa ku siiyey, waxa ku qaban doona shuruuda heshiiska. Waa inaad, sidaas darteed, ka foojignaato haddii qof telefoonka wax ku iibiyaa ku soo waco. Waxaad markasta xor u tahay inaad tidhaa "maya, waad mahadsan tahay" oo aad soo xidho telefoonka.

Qof wax iibiya ayaa sidoo kale kugula hadli kara dukaanka hortiisa ama dariiqa. Markaas, talo la mid ah ta waxiisiga telefoonka ayaa lagu siinayaa – waxaad markasta odhan kartaa "maya, waad mahadsan tahay" oo aad soo xidho telefoonka.

 

Dadka ku cusub Swiidhan ayaa talooyin kale ka heli kara halkan

Tipsa om sidan